Nin hubeysan oo 5 qof ku dilay magaalada Kongsberg ee dalka Norwey.

0
146

NORWEY:- nin ku hubeysana fallaar iyo qaanso ayaa 5 qof ku dilay labo kalana ku dhaawacay caawa fiidkii oo arbaco ah magaalada Kongsberg ee dalka Norwey

Labada qof ee la dhaawacay waxaa ku jira askari ka tirsan booliska Norwey oo fasax ka ahaa shaqada xiligaas.

Ninkaan waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka, waxaana uu ku xiranyahay magaalada Drammen oo u dhow Halka uu falka ka geystay.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ku kaliftay gacan ku dhiiglaha arinkaasi balse waxa ay arintaani imaaneysa xili Norwey ay ku soo badanayaan dilalka toogashada ah.

Illo uu soo xigtay Tv2 ayaa sheegay in ninkaani oo markii hore lagu qalday in uu ahaa Norwegian uu asal ahaan u dhashay Denmark  dhawaana uu bedeshay diintiisa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in uu qaatay diinta islaamka.

Masuul u hadlay booliska Norwey ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonan ruuxa falka geystay kadibna ay maxkamad soo saari doonaan.

Ra’iisul wasaraaha Norwey ee xilkeedu sii dhamaanayo Erne Solberg ayaa cambaareysay falkaani ka dhacay magaalada Kongsberg.

Booliska Norwey oo aan horay u isticmaali jirin hubka waaweyn ayay dowladdu u fasaxday in ay si kumeelgaar ah u qaadan karaan hubka kadib dhacdadaani.

Lama oga waxa ay kala yihiin 5-ta qof ee dhimatay, Wallow booliska ay sheegeen in ay gadaal ka sheegi doonan.

Booliska ayaa shacabka magaaladaasi ka dalbaday in ay ku caawiyaan macluumaad dheeri hadii ay hayaan.

Maalmo kahor wiil Soomaali ah oo 20 jir ah ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku toogteen xaafada Mortensrud ee magaalada Olso.

wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Qurbaha.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here