Marian Hussein oo ah gabar Soomaali ah oo ku biirtay Barlamanka Norwey

0
77

Xildhibaanad Marian Hussein oo ah gabar Soomaali ah kana tirsan Xisbiga SV ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay oo Soomaali, Muslim hadana Xijaaban oo ka mid noqotay Barlamanka Norwey.

Kadib doorasho ka dhacday dalka Norwey lana soo gabagabeeyay maalintii shalay aheyd ayaa waxaa talada wadanka ku guuleystay asxaabta siyaaasadda ee dhanka bidixda ee dalka Norwey kuwaasi oo xukunka heysan doona 4 sano ee soo socota.

Xisbiyada Bidixda ee kala ah AP, SV, SP, RØDT IYO MDG ayaa ku guuleystay doorashada dalka Norwey iyadoo Ra’iisul wasaraha wadanka uu noqon doono Jonas Gahr Støre Kaas oo xilka kala wareegi doona Erne Solberg oo 8-dii sano ee lasoo dhaafay xukumeysay dalka Norwey.

Doorashadaani ayaa xiiso gooni ah u laheyd sanadkaan Soomaalida Norwey maadaama sanadkaan ay ka mid aheyd dadkii Barlamanka Norwey u tartameysay Maryan Xuseen oo ah gabar Soomaali ah taas oo hada ka mid noqotay Barlamanka Norwey.

Mariyan ayaan ah gabar aad u da’yar waxayna sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay doorashada dalka ka dhacday. Waxaana ay sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay Soomaalidu heli doonaan metelaad dhab.

Qurbaha Madia ayaa Hambliyo u diray Maryan waxaana  isku dayi doona in aan wareyso la yeelano xildhibaanada waqtiyada soo socda insha allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here