
OSLO:- Sida lagu daabacay wargeyska abcnyheter.no warbixin cusub oo kasoo baxday hay,adda Caafimaadka Norwey Folkehelseinstituttets (FHI) ayaa lagu muujiyay natiijo wanaagsan oo muujineysa in uu shaqeeyay howlgalka soo galootiga Norwey ee lagu yareynayo faafista cudurka Karoona Feyrus ee dalkaan Norwey.
Warbaahinta Norwey ayaa horay u qortay in faafista Cudurka Covid-19 ee dalkan Norwey ay matalaad muuqata ku leeyihiin dadka ku dhashay dibada Norwey (Soo-galootiga) kadib markii cudurku uu si xun ugu faafay xaafadaha ugu badan ee ay ka deganyihiin Magaalada Oslo.
Maamulka degmooyinka Oslo ayaa sameeyay xayiraado badan iyo yareynta is dhexgalka buslahda taas oo ay dabo socotay bixinta talaalka Covid-19 si loo xakameeyo in uu cudurkaani sii faafo iyadoo il gooni ah lagu hayay goobaha uu cudurku ku badanyahay.
Tallaabooyinka la bilaabay si loo yareeyo infekshinka ku dhaca dadka soo galootiga ah ayaa u shaqeeyay sidii loogu talagalay, in kasta oo aysan ku filneyn in laga saaro soo-gudbinta xad-dhaafka ah, ayuu yiri agaasimaha waaxda Thor Indseth ee NIPH, oo ah tifaftiraha warbixinta
Warbixintaan ayaa geesta kale tilmaameysa in tirakoobka guud ee wadanka uu weli cadeynayo in dadka ajanabiga ay meel sare kaga jiraan faafista cudurka, balse natiijo ahaan ay hoos u dhacday sidii markii hore ay aheyd.
Natiijadaani muujineysa in ay hoos u dhacday tirikoobka dadka soo-galootiga ah ee uu ku dhacay cudurka ayaa lagu ogaaday baaritaanada cudurka iyo safarada badan ee ay sameynayaan.
Warbixinta ugu weyn ee tan ku xigta ayaa lasoo saari doona Høstiga xiligaasi oo la dhameyn doono mashruuca cilmi baarista Norwey.