Dad badan oo ka falceliyay sharci cusub oo Norway ay ka soo saartay qurxinta sawirrada.

0
399

In caloolaha la dhuubo, bishimo waa wayn la sameysto ama jir macaan la soo bandhigo ayaa ka mid ah qaabka lagu qurxiyo sawirrada.

Markii aad sii tixraacdid sawirrada la soo dhigo baraha bulshada ay ku wada xiriiraan, ayaa waxaa kugu adkaanaysa inaad sheegtid sawirrada halka laga qurxiyay.

Hasayeeshee farriin suuragal ma tahay in farriin caddaynaysa in sawirka wax laga badalay ay kalsoonigaliso qofka?

Sharci cusub ayaa waxa uu ka hirgalayaa waddanka Norway, kaas oo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada aanay soo dhigi karin sawirro wax laga badalay oo la qurxiyay, iyagoo aanan sheegin waxa ay sawirka ku sameeyeen.

Shuruucda ayaa waxa ay saamaynaysaa farriimaha lacagaha lagu bixiyo ee la soo dhigo baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal lagu doonayo in “lagu dhimo cadaadiska jirka” ay da’yartu saarayaan.

‘Sharcigan waan u baahannahay’

Madeleine Pedersen, oo 26-jir ah, oo ka soo jeedda magaalada Moss ee waddanka Norway ayaa waxa ay saamayn ku leedahay barta Instagram-ka.

Waxa ay Radio 1 Newsbeat ee BBCda u sheegtay in “waqti uun” ay tahay in shuruucda la badelo, waxa ayna rajaynaysaa in sharciga uu dhalinyarada ka joojin doono inay naftood ku barbardhigaan sawirro aanan sax ahayn.

“Waxaa jira dad badan oo aanan ku kalsoonayn jirkooda ama wajigooda,” ayey tiri.

“Waxaan xilliyadii hore la daalaa dhici jiray arrimaha jirkayga la xiriira Instagram awgii,

“Waxa iigu daran waxa ay aheyd inaanan xitaa ogayn haddii gabdhaha kale ee aan eeganayo ay farsameeyaan sawirradooda ama in kale. Taasi waa sababta aan dhammaantayo u doonayo inaan jawaab helno – sharcigan waan u baahannahay.”

Madeleine “ma dareemayso baahida” loo qabo in la qurxiyo sawirrada iyo sida ay farriimaha ugu soo baxayaanba, farriimahaas oo gaara in ka badan 90,000 oo qof.

Waxa ay badashaa “ilayska, midabada iyo qaabka si ay sawir qurux badan u gasho”, hasayeeshee waxa ay sheegaysaa in aanay weligeed isticmaalayn barnaamijyada wax loogaga badelo wajiga iyo sida uu jirka u muuqanayo.

Shuruudaha cusub ee la meelmariyay ayaa waxaa wax loogaga badalay Sharciga Suuqgaynta ee Norway. Boqorka ayaana go’aan ka gaari doona marka ay tahay in la dhaqangeliyo.

Barta internetka ee dowladda ayaa waxaa lagu daabacay in ujeedku uu yahay in gacan laga gaysto sidii loo dhimi lahaa cadaadiska bulshada uu saaray “dadka wax xayeysiiya ee aadka isku qurqurxiya”.

“Waxyaabaha la soo saaray waxaa ka mid ah in sawirka la dul dhigo astaan muujinaysa in la iftiimiyay ama in wax badan lagu dardaray sawirka markii ay timaado in jirka qofka loo adeegsanayo xayeeysiinta taas oo ka duwan sida dhabta ah ee qaabka, xajmiga iyo midabka jirka,” intaas ayaa lagu daray.

Waxa ay saamaynaysaa qofkasta oo baraha bulshada soo dhigaya farriin lacag lagu bixiyay oo ay ku jiraan dadka saamaynta leh, jilaayaasha iyo heesaaguba.

Madeleine waxa ay shuruudaha cusub filaysaa inay ka dhigan tahay in dadka galaangalka leh ee ku sugan Norway aanay wax badan ka badeli doonin sawirradooda.

Eirin Kristiansen, oo 26-jir ah, oo ku nool magaalada Bergen ee waddanka Norway oo iyana saamayn leh ayaa waxa ay qiraysaa in sharciga cusub uu dadka “ku hagi doono dhabbaha saxda ah” – hasayeeshee waxa ay qiyaasaysaa “inaanan si fiican loogaga baaran deign”.

RIN KRISTIANSEN Qoraalka sawirka, Eirin Kristiansen kuma qanacsana in sharciga uu horumarinayo kalsoonida dhalinyarada ay jirkooda ku qabaan

RIN KRISTIANSEN

“Anigu waxay iila muuqataa in si fudud lagu xallinayo dhibka balse aanay wax horumar ah horseedayn,” Eirin ayaa BBCda Newsbeat u sheegtay.

“Arrimaha dhimirka ayaa waxa ay sababaan wax ka badan inta ay keenaan sawirrada la qurxiyo, sawirrada la farsameeyo ee xayeeysiintana gabdhaha iyo wiilasha yar waxba kama badalaan sida ay jirkooda u arkaan, taasi waa aragtidayda.”

Daraasad ay sanadkii tegay sameeyeen xildhibaannada UK ayaa waxaa lagu ogaaday in inta badan dhalinyarada ka yar 18-ka sanadood ay sheegeen in sawirrada baraha bulshada ay “aad u saameeyaan” hab muuqaalkaaga jirkooda.

5% oo kaliya dhalinyarada ka yar 18 sanadood ee ka qeybqaatay daraasadda ayaa sheegay in aanay ku hamiyayn inay muuqaalka jirkooda wax ka badalaan sida inay qalliin isku sameeyaan.

Eirin ayaa waxa ay sheegtay in sawirrada aanay u farsamayn sida ay ugu soo baxdo hasayeeshee ay ku dardarto “ilayska iyo midabbada”.

Em Clarkson, oo ah qof saamayn leh oo ku nool magaalada London, ayaa waxa ay ku raacsan tahay inay muhiim tahay in waxa aan arkayno ay tahay in ay noqdaan wax la ogyahay.

26-jirkan ayaa waxa ay baraha bulshada soo dhigtaa sawirro aanay waxba ka badalin badanaana waxa ay ka hadashaa waxyeellada barnaamijyada lagu qurxiyo sawirrada.


Em Clarkson waxa ay doonaysaa in UK ay soo saarto sharci noocaas oo kale ah

Hasayeeshee marwalba xaalku sidaas ma ahan.

“Markii aan 16-ka jirka ahaa waxaan soo dagsaday barnaamijta lagu qurxiyo sawirrada markaas oo aan laf ahaantayda bartay sida sawirka loo habeeyo, markaas ayaanan habeeyay sawirka ii saaran Facebook-ga,” ayey tiri.

“Waan ogahay haddii barnaamijyadaas sawirrada lagu qurxiyo inay jiraan xilligii aan jirkayga ku faraxsanayn, waxay u badnayd in 100% aan isticmaali lahaa.”

Xigasho BBC Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here