Munaasabadda 1-da Luuliyo oo maanta lagu qabtay magaalada Oslo ee Norwey ( Sawiro)

0
1215

Magaalada Oslo ee dalka Norwey waxaa galabta ka dhacday munaasabad loogu dabaal-degayo 61 sano guuradii kasoo wareegtay markii koofurta Soomaaliya ay ka xorowday gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi.

Munaasabadaani oo aheyd mid ay soo qaban qaaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee dalka Norwey islamarkaana aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay 61 guuradii kasoo wareegtay markii Soomaaliya ay iska qaaday heeryada gumeysiga ayaa maanta waxa ay ka dhacday Xaafada Birkelund ee Magaalada Oslo halkaas oo Soomaali badan ay uga qeyb galeen.

Waxaa kasoo qeyb galay xafladaan Xildhibaanad Ubax Aadan (AP) iyo xildhibaanad Maryan Xuseen (SV) oo ka mid ah asxaabta siyaasadda Norwey, Gudoomiyaha Jaaliyadda Norwey Mohamed Abdulkadir, fanaaniin, saxafiyiin iyo abwaano kuwaas oo goobta ka jeediyay hadalo iyo heeso ay ku guubaabinayaan dhalintii xaflada kasoo qeyb gashay.

Xildhibaanad Maryan Xuseen (SV) oo  sanadkaan u taagan in ay u tartanto ka mid noqoashada xildhibaanada Barlamanka Norwey ayaa Soomaalida Norwey ka codsatay in ay codkooda ku garab istaagaan oo aysan codadka guryaha la joogin.

”Maanta waxaan joognaa xiligii aan codkeena ku soo dhacsan laheyn cadkeena, sidaasi darteed waa in aan codeyna Una codeyna dadka inaga inamatali kara.“ sidaas waxaa tiri xildhibaanad Ubax Aadan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Norwey Maxamed Cabdulqadir ayaa isna uga hambaliyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed sanad guuradaan, isaga oo kula dar daarmay Soomaalida Norwey in ay codeeyaan islamarkaana ay qaataan talaalka Karoona Feyruska.

Goobta xaflada ay ka dhacday ayaa Sidoo kale waxaa bilado iyo koob lagu gudoonsiiyay ciyaartoy ka socotay magaalada Bergan kuwaasi oo ku guuleystay   Koob kubada cagta ah oo dhowr maalin ka socday Magaalada Oslo.

Qurbaha.net ayaa goobjoog ka ahaa xafladii maanta.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here