Erna Solberg oo lagu ganaaxay 20,000 Kr, MAXAY SOOMAALIDU KA BARAN KARAAN?

0
288

Booliska dalka Norwey ayaa ganaax lacageed oo gaaraya 20,000 KR oo lacagta Norwey ah ku ganaaxay Ra’iisul wasaraha Norwey Haweeneyda lagu magacaabo Erna Solberg.

Ganaaxaan lacageed oo marka la sarifo u dhigma in ka badan $2000 (Labo kun) oo Doolarka Mareykanka ayaa la dul dhigay Ra’iisul wasaraha Norwey kadib markii ay jabisay sharciga Karoonaha ee dalka xili ay u dabaal dageysay dhalashadeeda 60 aad oo ku beegneyd 23-kii Febraayo ee sanadkaan.

Sharciga karoonaha Norwey ayaa Xiligaas ogoleyn in ay kulmaan dad ka badan 10 qof, waxaana Erna Solberg iyo seygeeda ay casuumeen 13 qof taasi oo keentay in ay ka hadlaan warbaahinta dalka kadibna ganaaxaan lacageed lagu rido maanta.

Looma eegin in ay Ra’iisul wasaare tahay lagamana Sare marin sharciga wadanka, balse taas bedelkeeda waxa ay booliska sheegeen in qofka caadiga ah ee sharciga ka talaaba uu heli lahaa ganaax intaan ka yar balse Erna ay ku muteysatay ganaaxaani xilka ay heyso maadaama dhowr mar iyada qudheedu ay soo saartay ciqaabaha la marinayo qofka jabiya sharciyada Covid-19.

Masuuliyadda oo si dhab ah loo qaado iyo ilaalinta sharciga iyo nidaamka lagu heshiiyay ayaa keeneysa in cadaaladu ay si dhab ah u shaqeyso, loona wada sinaado, waxaana arintaani ay tusaale fiican u tahay qof weliba oo horay loogu ciqaabay kutumashada sharciga.

SOOMAALIYA oo ah wadan kasoo kabanaya bur bur iyo dagaal sokeeya, sharciga iyo cadaaladuna ay ka tahay sheeko aan la aaminsaneyn ayay arintaani u noqon Karta wado ay tusaale ka dhigtaan.

Maxaa intaas dheer oo aad is leedahay waan ka baran karna? hoos inoogu reeb fikirkaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here