Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay maanta Koonfur Afrika.

0
260

COPE TOWN:- Cabdi Cali Maxaa Maalin, oo 29-sano jir ahaa, ayaa ALLAHA u Naxariistee maanta lagu toogtay Dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Khayelitsha (Site B) oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.

Sida wariye Abdirzaq indhajaceyl uu u xaqiijiyeen goordhow Muuse Cali Mohamed Malin oo ay Walaalo yihiin Marxuumka la dilay, Dilka ayaa dhacay kadib markii Koox hubaysan ay gudaha u galeen ayna Ganacsade Cabdi ku fureen Rasaas xoog leh oo sababtay geeridiisa.

Kooxaha hubeysan ayaa dhac u geystay Dukaanka, kadibna waa ay baxsadeen kahor intaysan Boolisku imaanin goobta.

Xog aan halney waxa ay xaqiijinaysaa in Weerarkan loo aanaynayo isku dhac iyo khilaaf xooggan oo Tuugada Xaafadda ka dhex aloosnaa mudooyinkan dambe.

Ciidanka, ayaa sheegay inay baarayaan falkan arxan darada ah, inkastoo baaritaanada Booliska ay natiijo la’aan ku dhamaadaan intooda badan.

Booliska ayaa dhowr mar Soomaalida ka dalbaday wada shaqeyn si ay u fududaato in gacanta lagu soo dhigo kooxaha dilka iyo dhaca u geysanaya ganacsatada Soomaalida.

Horay wada shaqeyn ay sameeyeen ganacsatada iyo askarta Koonfur Afrika ayaa sababtay in gacanta lagu soo dhigo kooxo dil iyo dhac ka geystay Magaalada Port Elizabeth.

Abdulrazak IndhaJaceyl – Mr Update

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here