Maxaa iska badelay fahamka dadka Soomaalida ee af-xirashada.

0
219

Sannadkii hore markii uu fayraska korona ka dillaacay Soomaaliya dadka badankoodu uma baahnayn in ay xirtaan af-saabka ama af-xirka.

Hase yeeshee, waxaad haatan mooddaa in arrintaasi is bedelayso oo si ka badan sidii bilowgii ay wax ahaayeen ay dadku u xidhaan af-saabka, oo waddooyinka Muqdisho waxaa lagu arkaa dad xidhan.

Sharci waajibinaya kama jirin Soomaaliya oo qasab maaha inaad xirato af-saabka taasoo keentay in dad badan sahashadaan ama u arkaan wax aan wanaagsanayn, balse hadda dowladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in qof kasta ay waajib ku tahay xirashada maaskarada.

Dariiqyada Muqdisho ayaad ku arkaysaa dad badan oo xiran waji xirka ay uga hortagayaan faafitaanka Covid-19 oo ku soo laba kacleeyay Soomaaliya.

Yaasir Maxamad Xaaji oo ah darawal mooto bajaaj kaxeeya, kana shaqaysta dariiqyada Muqdisho, ayaa sheegaya in dadku markii ay si dhab ah u arkeen khatarta cudurka ay go’aansadeen inay qaataan maaskarada, inkastoo uu qaali yahay.

“Markii hore dadka wey iska indha tiri jireen laakin hadda baladka ayuu ku soo noqday, dad badan oo xitaa aan isnaqaanno ayuu ku dhacay, qof xalay uu ku dhacay xitaa saakay ayuu dhintay, sidaas darteed aan iska xiranno,” ayuu yiri.

Cabdirisaaq Axmed Jibriil oo isna kamid ah dadka dagan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wacyiga dadka oo kordhay darteed iyo khatarta cudurka oo siyaaday ay keentay in dadku xirtaan maaskarada si looga hortago faafitaanka cudurka.

“Wacyigelinta ayaa isbadeshay, maxaa yeelay hal sano ayuu korono jiraa. way jireen dad cudurka oo intan ka sahlan iska qaadan jiray maaskarada, inkastoo aan loo badneyn. Marka wacyigii wuu isbadelay, adduunkii mar labaad ayuu ku soo labakacleeyay, qof walbana asagaa isdiray. Maaskarada masaajidyada ayey ka muuqataa, dukaamada ayey ka muuqataa, baraarug dhanka ilaahay ka yimid weeye. Aniga aad ayaan u soo dhaweynayaa inay dadka iyaga iswacyigaliyaan oo aysan sugin saraakiisha caafimadka oo kaliya,” ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed Jibriil.

Inkastoo afxirka ama facemask-ga uu qaali yahay oo xabaddii la iibiyo nus dollar haddana meelaha qaar dhalinyaro iyo hay’ado ayaa si bilaasha ah u bixiya.

Dr Mahdi Maxamuud Sahal iyo koox dhalinyaro ah oo kaashanaya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay todobaad gudihii magaalada ka qaybiyeen kumanaan afxir, kuwaas oo ay ugu talagaleen in bulshadu qaadato si looga hortago faafitaanka cudurka.

“Waxaan magaalada Muqdisho ka wadnaa qaybinta afxir bilaash ah, oo aan rabno inuu qayb ka noqdo ka hortaga cudurka korona, ilaa hadda waxaan qaybinnay 20 kun oo afxir bilaash ah, waxaana siinaynay dad waaweyn iyo dadka iskuullada iyo jaamacadaha dhigta, meelaha ay dadka aad ugu badanyihiin ayaan ka qaybinnaa,” ayuu yiri Dr Mahdi Maxamuud Sahal.

Soomaaliya dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa faro ba’an ku hayay cudurka Covid-19, kaasoo maalin kasta soo ridanayay dad kor u dhaafaya boqol qof. Tirada dhimashada ayaa iyana sii kordhaysa, isbitaalladana waxaa buux dhaafiyay dad ka cabanaya fayraska Korona.

Inkastoo ay korodhay tirada dadka afka xirta ama qaata facemask haddana wali dadku way isku dhex jiraan oo kalama fogaadaan. Suuqyada, maqaayadaha, garoomada ciyaaraha, iskuullada, jaamacadaha iyo goobaha cibaadada ayaa sidoodii loo buuxiyaa oo wax isbadal ah oo wayn kuma arkaysid iyadoo khubarada caafimaadku ku talinayaan in ugu yaraan labo mitir la isu jirsado, si looga baaqsado faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here