๐—ช๐—ฎ๐˜… ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜„ ๐˜…๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ.

0
305

Juudaanka waxa soomaalida ay u taqaanno waa cudur faafi kara oo ay keento bakteeriyo lagu magacaabo “Mycobacterium Leprea” waxaana lagu dhahaa luqadda ingiriiska “Leprosy”.

Dadka qaba juudaanka maahan dad dadka cuna ama dadka qasha sida soomaalida ay ka aaminsantahay una bixiyeen magacyo badan sida “waraabo dadow” iyo wax la mid ah.

Waxa magacyadaas loogu bixiyay xanuunkaan ayaa ah in qofka jirkiisu uu badalo, waxaana ka soo baxa nabro waaweyn oo qofka wajigiisa, sankiisa iyo afkaba ka dhigi karo wax laga cabsado, qofka muuqaalkiisane wuu wada badalmi karaa.
Waxaa intaa sii dheer in faraha uu qofka ka go’go’i karo oo qofka ku soo hari karto kaliya calaacal ama cago aanan lahayn faro.

Leprosy waa ,mid ka mid ah cudurrada ugu duqsan ee maanta dunida taqaanno.

Leprosy waa cudur laga cirib tiray aduunka badankiis inta aan ka aheyn wadamo gooni ah oo ku kala yaalla qaaradda Asia iyo Africa.
Leprosy waa cudur halis ah isla markaana si sahlan lagu garan karo loona daaweyn karo.

Bakteeriyada keenta cudurka juudaanka waxay qaraabo dhaw yihiin bakteeriyada keento cudurka tiibishada/qaaxada taasoo iyadane lagu magacaabo “Mycobacterium TB”

Cudurka juudaanka wuxuu ku dhacaa neerfaha, maqaarka, neefmareenka, sanka iyo indhaha waxaa laga kala qaadaa calyada iyo diifka.

Cudurka juudaanka wuxuu maraa heerar kala duwan markuu qofka ku dhaco illaa uu saameyn ku yeesho neerfaha gacmaha iyo lugaha oo ay go’go’aan iyadoo qofku uusan dareemin.

Cudurka juudaanka waa la daawayn karaa waana laga bogsan karaa, waxaa jiro daawooyin loo qaato

qofka juudaanka qaba isaga ayaa u baahan xanaano iyo daryeeel ee ma ahan qof cuni kara qof kale,

adigu qayb haka noqon dadka faquuqa dadka xanuunkaas.

gaarsii fariintaan dadka aaminsan dadka xanuunka juudaanka qaba in ay dadka cunaan una sheeg quraafaadkaas in aysan sii aaminin.

Waxaa Qoray/ Dr amen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here