Dilalka loogu geysanayo dhalinyarada Soomaalida oo ku sii kordhaya K.Afrika.

0
110

Cope Town- Labo wiil oo Soomaali ah ayaa saacadihii u dambeeyay lagu dilay hal dukaan oo ay ku ganacasanyeen kaasi oo kuyaala Tuulo lagu magacaabo Philipi oo ka tirsan Magaalada Cape town ee dalka koonfur Afrika.

Dilka kowaad oo la soo sheegay in uu dhacay xalay saqdii dhexe ayaa loo geystay  AHU Marxuum Cumar Salaad  kaas oo isagoo qoorta ka bireysan , lugahana ka xir xiran laga helay dukaanka dhexdiisa, arintaas oo naxdin daran ku noqotay gacansatada Soomaalida.

Kooxdaha dilka geystay ayaa ilaa iyo hada la aqoon meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo booliska wadankaasina ay sheegeen in ay arintaani dabagal ku hayaan soona saari doonaan maalmaha soo socda natiijada ka dhalata.

Isla dukaankaasi lagu dilay Marxuum Cumar ayaa la sheegaya in  maanta dil kale loogu geystay muwaadin kale oo Soomaali ah kaas oo ilaa iyo hada aan ka helin magaciisa.

Dilalka dalkaasi koonfur afrika loogu geysanyo dhalinyarada Soomaalida ayaa mudooyinkaani aad u soo batay ayadoo ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah dalkaasi lagu dilay 30-kii cishe ee lasoo dhaafay taasi oo ah tiro badan.

Arintaani waxaa walaac badan ay ku abuurtay dhalinyarada Soomaalida ee ku ganacsada dalkaasi kuwaasi oo ilaa iyo hada dowladda K.afrika ka war dhowraya in ay talaabo ciidan ka qaado kooxaha dilka iyo boobka u geysanaya Soomaalida.

Abdirazaq Indhajaceyl.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here