DEG DEG. Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika.

0
207

Tuulo lagu magacaabo Umlazi oo 30 km u jirta Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu dilay muwaadin Soomaali ah oo halkaas ku ganacsanayay.

Sida aan kasoo xiganay wariye Abdulrazak Indhajaceyl oo kusugan dalkaasi ALLAH u Naxariistee Maxamed Dheere  ayaa xalay fiidkii tagay Dukaankiisa oo ku yaalla deegaankaasi Umlazi 30 km u jira Magaalada Durban ee Dalka Koonfur Afrika, balse waxa uu la kulmay Dukaanka oo xiran islamarkaana Rag uu ka shakiyay ay hortaagan yihiin.

Wiilal joogay dulaanka ayuu la hadlay waxayna u sheegeen inay ka shakiyeen iyaguba, waxaana intaasi kadib uu isku dayay in uu alaab kala soo baxo daaqada dukaanka, ayey dhowr Xabadood oo mid Madaxa uga dhacday ku dhufteen, waxaana markii dambe loola cararay isbitaal halkaas oo uu saakay ku nafbaxay.

Maxammed Xassan Cabdulle oo caan ku ahaa Naaneysta Maxamed Dheere aadna looga yaqaanay Durban, ayaa ku baxay gacanta dhagarqabayaashaasi aan la aqoonsan oo islamarkiiba goobta ka baxsaday, iyagoo ka qaatay Lacag uu watay iyo Mobile-kiisii, balse ma aysan ka qaadan Gaarigiisa, sida ay eheladiisa xaqiijiyeen.

Boliiska Umlazi, ayaa furay kiiska dilka ah, iyagoo haatana ku raad jooga Burcaddii dilka geystay.

Dhawaan ayay aheyd markii ku dhawaad 5 muwaadin oo Soomaali ah afarna lagu dilay midna lagu dhaawacay dalkaasi.

Abdulrazak IndhaJaceyl

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here