Norwey oo sheegtay in uu racfaan qaadan doono nin heysta dhalasha Norwey oo dil ugu xakuman Somaliland.

0
92

Oslo:- Wasaaradda Arimaha dibadda Norwey ayaa sheegtay in muwaadin asal ahaan kasoo  jeeda Soomaaliya balse heysta dhalashada Norwey oo dhawaan maxkamada Somaliland ay ku riday xukun dil ah in uu haatan fursad u heli doono in uu racfaan ka qaato xukunkaasi.

Kadib markii Maxkamadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi-jeex ay ku riday xukun dil ah bishii November ee sanadkii hore Saad Jirde Hayd oo ah nin asal ahaan Soomaali ah balse heysta dhalashada Norwey oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay muwaadin kale oo Somaliland ah ayaa go,aankaasi waxaa horay uga soo horjeestay dowladda Norwey.

Iyadoo la hadleysay sabtigii TV2, Wasiirada arimaha dibadda Norwey haweeneyda lagu magacaabo   Ine Eriksen Søreide kana tiirsan xibiga Høyre ayaa sheegtay in haatan Xeyd uu fursad u heli doono qaadashada racfaan ka dhan ah go,aankii ay ku soo rogtay maxakada Hargeysa.

“Waxa uu fursad u heli doonaa in uu rafcaan qaato” ayay tidhi wasiirka arrimaha debedda Ine Eriksen S toreide oo la hadlaysay  TV2 habeenkii sabtida.

Saad Jirde Hayd oo 54 jir ayaa ku andacooday in uu is difaacayay xiligii uu falka dilka geysanayay, waxaana durba markii uu xukunkaasi dhacay dowladda Norwey ay soo saartay war ay arintaasi kaga soo horjeedo iyagoo dalbaday in iyaga lagu soo wareejiyo.’

Xigashada warkaan TV2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here