Ku dhawaad 5 wiil oo Soomaali ah oo 48 saac gudahood dil loogu geystay Koonfur Afrika.

0
185

(KOONFUR AFRIKA) ALLAHA u Naxariistee Laba Wiil oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa xalay lasoo sheegayaa in lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ee Dalka Koonfur Afrika.

Dilkaani ayaa kusoo beegmayo saacado uun kadib markii isla shalay halkaasi dil iyo dhaawac loogu kala gaystay C/naasir Jamaame iyo Maxamed Jamaame oo Walaalo ahaa.

Dhalinyarada la dilay oo lagu kala magacaabo C/xakiin Jeelle iyo Mikaa’iil Bitoow, ayaa lagu wada dilay Hal Dukaan oo ay isla joogeen kadib markii rag hubeysan ay dusha sare ee dukaanka kasoo galeen, sida ay xaqiijiyeen Soomaali kale oo gurmad ahaan ugu baxay goobta ay.

Dhagarqabayaasha dilka arxan darada ah gaystay ayaa durbadiiba isaga cararay goobta ka hor intaysan soo gaarin Gawaarida Booliska oo isku gadaamay agagaarka Dukaanka.

Dhinaca kale Booliska Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay soo xireen nin lagu eedeeyay inuu yahay Horjoogaha Burcadda Dilka u geysan jirtay Muwaadiniinta Soomaalida iyo ajaanibta kale.

Hawlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen meelo badan ayey deegaanka Motherwell oo ka tirsan Magaalada Port Elezapeth ee Gobalka Eastern Cape ku qabteen eedeysanahani oo muddo lagu raadjoogay.

Shan Wiil oo Soomaali ah ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay oo kaliya lagu dilay South Africa, kuwaasi oo Afar kamid ah lagu dilay PE, halka Muwaadinka kalana lagu toogtay Cape Town.

WIXII SOO KORDHANA ILA SOCDA 24/7

©️ Abdulrazak IndhaJaceyl 🎙

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here