SOOMAALIYA WAXAA KA MUUQDA BISEYL SIYAASADEED OO BILOW AH.

0
94

Siyaasadda Soomaaliya waxa ay soo martay marxalado kala qaraar oo qaar uu ku daatay dhiig fara badan iyadoo arintaasi ay udub dhexaad u aheyd is qab qabsi, xukun jaceyl iyo sharci kutamsho.

Arinkaas oo mudo ay ku soo socotay Soomaaliya waxa uu sawir xun ka bixiyay siyaasadda iyo mustaqbalka Soomaaliyeed oo in mudo ku soo jiray mugdi aan la aqoon xiliga uu leedhkiisu ifi doono.

Xukun jaceyl sababay daadinta dhiig fara badan iyo leynta maati aan waxba galabsan ayaa dhaxal u noqday in waqtigoodii qaaliga ahaa uu lumo jiilkii soo korayay oo ka haray aduunka intiisa kale, waxaana bedelkii qalinka ✍️ ay qaateen hub naftoodii iyo mustaqbalkoodii lagu haligay, iyagoo jaamacado colaadeed ku soo jiray mudo 30 sano ah.

Bur burkii dowladii dhexe ee Mohamed Siyaad Barre kadib waxa ay Soomaaliya oo kuf kuftaba soo maray dowlado kala awood iyo xukun adkaa kuwaasi oo qaarkood ku yimid gacan rimis ay qeyb ka ahaayeen wadamo shisheeye oo aan wax dan ah u heyn Soomaaliya, kuwaasi oo doonayay in danahooda gaarka ah ay ku gaaraan kuwa ay xukunka la doonayeen.

Isku tanaasulka ayaa ahaa jid aad u adag in la maro, iyadoo ninba ninka oo ka ciidan iyo hub badnaa loo arkayay in uu ka darajo iyo xil sareeyo, taas oo dhalisay in dalka Soomaaliya lagu aamini waayo dowlad rasmi ah oo caalamku si toos ah u aqoonsanyahay wallow wadanka loo dhisayay dowlado kumeel gaar ah.

Ilaalinta Sharciga iyo dastuur la isla ogolyahay oo ah wax bulsho ay ku heshiiso kuna wada nooshahay ayaa ahaa baahida ugu sareysa ee ay qabeen dadka Soomaaliyeed, iyadoo siyaasi welibana awoodiisa uu miciin badiyay taas oo mugdi iyo bohol-dheer ku riday rajadii Dimuquraadiyadda Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Mudo dheer oo lagu soo jiray wadadaas qarada-jeexa ah, haatan waxaad mooda in siyaasadda Soomaaliya ay qoorta kala sii baxeyso xukun jaceylkii awooda kalinino ku dhisna taasi oo ifafaalo wanaagsan u ah mustaqbalka dimuquraadiyadda Soomaaliya.

Xalay ilaa maanta waxaan si wanaagsan u dhuuxayay hadladii iyo falcelintii ay ka sameeyeen madaxda iyo xil doonka Soomaaliyeed dhamaadka mudo xileedkii Dowladda Mudane Mohamed Abdullaahi Farmaajo oo ku ekeyd 8-da Febraayo 2021-ka xili hadal heyn badan iyo dhiilo colaadeed ay jirtay inta aan la gaarin waqtigaas.

Qudbadaha iyo shirarka labada dhinac ee siyaasadda Soomaaliya isku haya dhamaantood waxa ay ka wada sinaayeen in ay muhiim tahay dhowrista sharciga iyo in laga hortago firaaq Dastuuri ah oo dhaca si aan dalka dib loogu celin, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay haatan leedahay biseyl siyasadeed Halka markii hore xalka lagu raadin jiray awood iyo dhiig la daadiyo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Barlamanka ka hor sheegay in isaga oo ilaalinaya sharciga kana fogaanaya firaaq dastuuri ah uu muujiyay tanaasul badan si loo qabto doorashooyin laba nuuc ah, inkasta oo aan xal laga gaarin arinkaasi hadana taasi qudheedu waa qoor dhiibasho iyo wax ogol wallow sidii la doonayay aysan wax u dhicin.

Madaxda madasha musharixinta markii uu waqtiga ka dhacay Farmaajo waxa ay mowqifkooda ku cadeeyeen si qoraal iyo hadal ah, iyagoo ka fogaaday in ay ficil sameeyaan, waxaana mar weliba hadaladooda saldhig u ahaa in aysan dooneyn in la hareer maro sharciga iyo dastuurka dalka u yaala taasi oo cadeyn u ah in ay Soomaaliya bislaatay yeelatayna marjac sax ah oo loo laabanayo hadii la is qabto, waana halkaas meesha aan qoraalkaan ugu danleeyahay in lagu fahmo.

Arintaani waxa ay tusaale wanaagsan u tahay siyaasadda mustaqbalka Soomaaliya iyo dhalinta maanta ee beri dooneysa in ay dalka xukunkiisa qabtaan waana wax qurux badan in ay arkaan madaxdoodii oo sharciga ku dhegan kuna kala baxaya si qalalaaso siyaasadeed looga baaqsado.

Mohamed Abdi Nahar ✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here