PST:- Khatarta Islaamiyiinta iyo xagjirka kale ayaa sii xoogeysatay.

0
43

NORWEY:- Ciidamada nabad sugida booliska Norwey ee loo soo gaabiyo (PST) ayaa sheegay in sii xoogeysatay hanjabaada islaamiyiinta xagjirka ah, waxayna arintaasi ku sababeeyeen in ay laxaxriirto sii xoogeysiga u dhaxeysa xoriyatul qowolka Norwey taas oo mararka qaar muslimiinta Norwey ku nool ay u arkaan xad gudubyo ka dhan ah Islaamka.

Qiimeyn ay sameeyeen PST ayay ku sheegeen in sanadkaan ay ka baqdin qabaan dhibaatooyin iyo halis aragagixisanimo ay geystaan islaamiyiinta ad adag  iyo xagjiriinta garabka midigta ee Norwey, waxeyna intaasi ku dareen in hanjabaadaha saraakiisha ka dhanka ah ay sii kordhi karaan.

PST waxa ay sheegeen in arintaani ka ay ku lugyihiin dowlado shisheeye oo islamarkaana ay lacag ku bixinayaan.

Sanadkii hore ee 2020 ayay sidaan oo kale PST waxa ay u saaareen digniino ka dhan ah in ay dhici karaan falalka aragagixiso ay geystaan ururada gabrabka midi gee xagjirka iyo islaamiyiinta, iyadoo isla sanadkaasna la weeraray masjid kuyaala magaalada Bærum.inkasta oo la Xakumay ninkii weerarka ka dambeeya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here