Gabar Soomaali ah oo ku geeriyootay xero qaxooti oo kutaala dalka Gariiga.

0
60

Faah faahin dheeraad oo ku saabsan gabar Soomaali ah oo ku dhimatay Gariiga.

Amiira Suleymaan oo mudo ku nooleyd Sacuudi Carabiya islamarkaana safar ku aheyd dalka Gariiga ayaa u dhimatay qaliin loogu sameeyay dalkaasi.

Gabadhaan oo aheyd da’aada 28 jirada ayaa ku jirtay xerada Qaxooti Vial  ee magaalada Chios halkaas oo mudo ay ku xanuunsaneysay.

Xiliga gabdha ay dhimatay ayaa la sheegay in ay aheyd sabti wallow dadka Soomaaliyeed markii dambe loo sheegey Axadii lasoo dhaafay in ay Amiira geeriyootay.

Amiira ayaa kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee dalka wallow ay in mudo ah ku sugneyd dalka sacuudiga.

Warbixintaani waxaa ila wadaagay dad ku sugan xerada Chios ee dalka Gariiga.

Meydka Gabadhaani ayaa lagu aasay qabuuro kuyaala jasiirada Chios, waxaana aaskeeda  ka qeyb galay ehelka gabadha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here