Norwey: hadaad ka yartahay 65 sano waxaad qaadan doonta Talaalka Astra Zeneca.

0
114

Astra Zeneca ayaa hada lagu bilaabay in lasiiyo dadka guryo la,aanta ku heyso London si looga hortago faafista cudurka Karoona Feyrus, waxaana haatan Norwey ay sheegtay in qofkii ka yar 65 sano lasiin doono Astra Zeneca.

Warbixin uu qoray wargeyska Aftenposten ayaa lagu yiri talaalka Astra Zeneca waa talaalka sedaxaad ee looga hortagayo covid 19 waxaana la siinaya dadka kayar 65 sano.

Hada waxa suuqa yaal sedax talaal midkood ma dooran karna?”  Maya.

Sideen ku ogaan karna marka ay tahay in aan qaadano talaalka?” xariir ayaad ka heleysa Degmada (Kamuunaha)

Yaa lagula talinaya in ay qaataan talaalka? Dadka  caadiga ah iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka yar 65 sano.

Dadka ka weyn da`da 65 sano ayaa la siin doona talaalada (mRNA.), halka  FHI ay dadka da`daasi kayar u isticmaali doonto Astra Zeneca, iyadoo laga yaabo in ay talaalka ka hor qaataan dadka waaweyn.

Dib u dhac maku imaanaya?

Ma jiri doonaan dib u dhacyo la xariira qorshaha lagu qaadanayao talaalka (mRNA.) ee shirkadaha Pfizer iyo Moderna, waxaana Machadka Caafimaadka dadweynaha (FHI) ay ku rajo weynyihiin in ay dalabyo wanaagsan helaan Mustaqbalka, inkasta oo ay sheegeen in dadka  ka weyn 65 sano ay horay u qaadan lahaayeen talaalka Astra Zeneca hadiiba uu jiray qorshahaasi.

Maxaa loogu diidaya kuwa waaweyn talaalka Astra Zeneca?

Sababto ah, daraasadda lagu sameeyay talaalkaan ayaa muujineyn in saameynta difaacu yahay mid aan si wanaagsan u caawineyn dadka ka weyn 55 jirka, wallow talaalku uu anfacayo da`a kasta, aritaas oo dhalisay in ay ogolaadan qaadashadiisa masuuliyiinta daawooyinka Yurub, inaksta oo markii dambe ay sameeyeen qiimeyn u gooni.

Difaac intee la eg ayuu sameynayaa Talaalkaan?

Daraasadda la sameeyay ayaa cadeyneysa in boqolkiiba 60  talaalkaani uu jirka ka difaaci karo cudurka si la mid ah talaalada kale inaksta oo labada talaal ee kale  difaacoodu yahay boqolkiiba 95.

Sweden ayaan Talaadadii ku dhawaaqday in talaalkaani aysan u isticmaali doonin dadka ka weyn 65 sano maadaama sida ay sheegeen aysan cadeyn heerka difaaca dadka waaweyn halkaan ka aqriso warkaasi

Xigashada warkaan aftenposten halkaan ka aqriso isaga oo Norske ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here