Xisbiga Frp oo ka hor yimid in la joojiyo imtixaanadka sare ee dalka Norwey.

0
140

Guri Melby oo ah Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Norwey waxaa dhawaaantaan saarna cadaadis ah in sanadkaan la baajiyo imtixaanaadka dugsiyada sare ee wadanka Norwey iyadoo arintaasi haatan ay ka soo horjeesteen xisbiga Frp oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed kuwooda ugu weyn.

Frp waxa ay sheegeen in aysan gabi ahaanba soo dhaweyneyn fikirka ah in la baajiyo sanadkaan imtixaanaadka iskuulada, iyagoo ku adkeystay in imtixaanku uu yahay mid qiimo u leh ardeyda iyo nimaadka iskuulada Norwey.

Xisbiyada SV iyo AP ayaa horay u sheegay in ay Barlamanka ka codsanayaan in la baajiyo  imtixaanka Maadaama ardeydu aysan helin waxbarasho simen, balse arinkaasi ayay Frp ku tilmaameen mid aan waqtigaan loo baahan laguna deg degayo.

“ Frp waxa uu qalad u arka in Barlamanku ka fiirsado joojinta imtixaanaadka sanadkaan iyadoo lagu jiro isbuuca koowaad ee bisha Febraayo” ayuu yiri Roy Steffensen oo ah madaxa gudiga waxbarashada ee FRP.

“Waxaan go’aan ka gaari doonnaa arintaan sida ugu dhakhsaha badan” ayay u sheegtay TV 2 Talaadadii Melby oo  ah wasiiradda waxbarashada Norwey, kana tirsan xibiga Venstre, halka xisbiga Høyre  uu isna ka cabsi qabo in la baajiyo sanadkaan imtixaanka sare.

Roy Steffensen madaxa gudiga waxbarashada ee FRP ayaa ugu baaqay wasiiradda waxbarashada in ay la tashi badan la sameyso agaasinka waxbarashada, ururada macalimiinta, kuwa ardeyda iyo hogaamiyayaasha iskuulada si loo hubiyo in go,aanka kama dambeysta ah ee la qaadan doono.

Waxa uu intaasi raaciyay in Frp si dhow ula socdaan doodaha ku saabsan baajinta imtixaanka, balse go,aan qaadashada ugu dambeysa ay tahay mid loo baahanyahay in ay si weyn ugu fiirsato Guri Melby.

Xigashada Warka TV2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here