Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Toronto (Dhageyso)

0
50

Allaha u naxariistee Haashim Cumar Xaashi oo 20 sano jir ahaa ayaa habeennimadii Axadda lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska ayaa wada baaritaan la xiriira ciddii ka dambeysay dilkiisa, balse waxey sheegeen in la rasaaseeyay xilli uu ku dhexjiray gaari galayay garaashka-ka dhismaha 40 Falstaff oo ah halka uu deggenaa marxuumku.

Dilka Haashim ayaa noqonaya kii 5-aad ee ka dhaca magaalada Toronto sanadkan cusub.

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamanka gobolka Ontario, lagana soo doortay xaafadda York South Weston oo ay ka mid tahay halka uu dilku ka dhacay ayaa VOA laanteeda afka soomaaliga u sheegay in ugu horeyn uu aad ugu xunyhay dhibaatada soo gaareysa Caruurta Soomaaliyeed, waxaana uu taci u diray ehelada dadkii uu wiilku ka dhintay.

Hoos ka dhageyso wareysiga VOA-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here