Sweden waayeelka ka weyn 65 sano ma qaadan doonaan talaalka Astra Zeneca iyo warar kale.

1
67

Hey’adda caafimaadka bulshada ayaa sheegtay inaan la siin tallaalka shirkadda Astra Zeneca dadka jira 65 sanno iyo wixii ka weyn, maadaama aan weli la cadeyn difaaca dadka waaweyn ee talaalkaani.

Talaalkaani ayaa waxaa qaadan doona dadka u dhaxeeya 18 sano ilaa 65 sano, waxaana intaasi dadka ka weyn ay qaadan doonaan tallaalada Pfizer Biontek iyo kan Moderna.

Sweden waxa ay ka mid tahay wadamada waayeelka ugu badan ee Soomaaliyeed ay ku noolyihiin taasi oo haatan ay qeyb uga noqonayaan habraaca talaalka, waxaan waayeeladaasi aysan qaadan doonin Astra Zeneca.

Dhinaca kale nin 37 sano jir ah ayay maanta maxkamadda degmada maalmo ku riday xukun sharuudeysan iyo dad kor kala socda madib markii uu in ka badan 100 jeer wacay lambarka gar gaarka deg de gee 112.

Ururka Dabiibcall ayaa aaladaha internetka sida Whatsapp iyo Facebook war bixin ku siiya soomaalida meel walba ay aduunka ka joogaan.

Waxayy ahaan karta halka uu qofku caawimadda ka heli karo hadii uu la ildaran yahay xannuunada maskaxda.

“Caawimaadda ugu weyn ayaa ah in aan qofkii dhageeysano”, ayay sheegtay asaase Nimco Hassan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here