Lillestrøm oo fureysa xarumaha jimicsiga iyo shaqaale ku dhintay baraf la go,ay (Wararka Norwey)

0
125

Degmada lillestrøm oo ka mid ah degmooyinkii shalay xukuumadu ay ka qafiifisay xayiraadihii dhawaan la saaray 25 degmo eek u xeeran Oslo ayaa haatan shaaciyay in maalinta arbacada ay si toos ah u furmi doonaan xarumaha jimicsiga

Kadib markii ay shalay ka heleen xukuumada leer cagaaran (ogolaasho) muujinaya in degmada Lillestrøm ay ka mid ah degmooyinka laga qafiifiyay xayiraada ayaa maanta wargeyska Romerikes Blad ee kasoo baxa degmadaasi waxa uu sheegey in xarumaha Jimicsiga lagu sameeyo la siiyay ogolaasho ah in laga bilaabo arbacada ay albaabada u furi karaan goobahaasi.

Dhinaca kale labo ka mid ah shaqaalaha difaaca ayaa ku dhintay kadib markii uu baraf kula go,ay xarun military oo lagu magacaabo Olonkinbyen ee Jan Mayen, waxaana ay kala ahaayeen haweeney reer Vestland oo 50 jir ah iyo  wiil 30 jir ah oo ka yimid gobolka  Nordland.

Booliska Norwey ayaa galanimadii sabtiga soo saaray digniino ah in ay halkaasi ka jeri karaan cimilo xun iyo qatar dhalin karta in barafku uu dhulka hoos ugu go`o, waxaana xiligaasi kahor safar yar oo socosho ah iskui raacay labada qof ee dhimatay iyo qof kale oo sedaxaad kaasi oo ka bad baaday dhibaatadii halkaasi ka dhacday.

Dhanka kalena 218 qof ayaa shalay laga diiwaan geliyay in Norwey u haleelay cudurka Karoona Feyrus taas oo ka dhigan in tirada ay ka yartahay tiradii Jimcihii laga diiwaan geliyay Norwey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here