Xukuumada Norwey oo soo saartay talaabooyin cusub iyo Ardeyda oo heli doonta Kaalmooyin dheeraad ah.

0
72
NRK pic

Ra`iisul wasaaraha Norwey iyo qaar ka mid ah golaheeda wasiirada ayaa manta qabtay shir jaraa`idoo ay kaga hadlayaan kordhinta talaabooyin cusub looga hortagtayo qasaaraha dhaqaale ee uu sababay Karoona Feyrus , iyadoo talaabada ugu weyna ay caawin doonto ardeyda waxbarata.

Xirmada dhibaatooyinkaan ayay dowladda Norwey ugu talagashay qiimo lacageed oo gaaraya 16  bilyan oo lacagta wadankaan ah (NOK) si loogu caawiyo degmooyinka , warashadaha, ardeyda iyo shirkadaha duulimaadyada ee sida gaarka ah saameyntu ugu yeelatay dhaqaale xumida Karoona Feyrus.

  • Dawladdu waxay soo jeedinaysaa in loo qoondeeyo 1.5 bilyan NOK oo la siinayo Norwegian Air Shuttle ASA
  • Ardeyda ayaa iyana waxaa loogu talagalay 1 bilyan oo NOK ah si looga hortago ka tagista iyo dib u dhaca ku yimaada waxbarashadooda.

Tallaabooyinka magdhowga ah ayaa la kordhiyay illaa bisha June.

  • Avinor NOK 2.75 bilyan nuska hore ee 2021
  • 500 milyan NOK ayaa toos u loo siin doona Degmooyinka galay qarashaadka badan. Degmooyinkaas ayaa 500 ee milyan ugu gudbin doona shirkadaha maxalliga ah gaar ahaan warshadaha sida ba’an u dhibaataysan.
  • Dawladdu waxay soo jeedinaysaa in qayb weyn laga qaato biilasha shirkadaha iyadoo kor loo qaadayo saqafka nidaamka magdhawga min 80 ilaa ugu yaraan boqolkiiba 85 kharashyada go’an ee Janaayo iyo Febraayo. Tani waxay leedahay qiimo jaban oo ku dhow 4 bilyan NOK.
  • 1 bilyan oo loogu talagalay dadaallada sii xoogeysanaya ee muddada dheer shaqo la’aanta ah haddii shaqada laga joojiyo

Qodobada kale ee kordhintu aad ayay u badanyihiin dhamaantood halkaan kuma soo wada koobi karno.

Guri Melby oo ah wasiirka waxbarashada iyo is dhexgalka Norwey ayaa sheegtay in arinta ardeyda looga danleeyahay in aysan dhumin wadada waxbarashada tanina ay fursad wanaagsan oo dhiiragelin ah tahay iyaga, waxaana areydeda waxbarata ay ka helayaan kaalmooyin dheeri ah oo dhaqaale Lånekassen.

Mar wax laag weydiiyay in ay codsayadooda dib u cusbooneysiin doonaan iyo in kale ayay sheegtay in kuwa horay ugu diiwaan gashana sanduuqa deynta ay u heli doonaan qarshaada dheeriga sidii ay horay ugu heli jireen lacagta ay ka helaan sanduuqa deynta.

Ardeyda ayaa arintaani si weyn u soo dhaweeyay iyagoo sheegey in tani ay ka dhigantahay kordhinta boqolkiiba 40 deeqaha dhaqaale ee ardeyda.

315 qof ayaa laga diiwaan geliyay ilaa shalay in cudurka Karoona uu ku dhacay dadka ku nool Norwey.

Halkaan ka aqriso dhamaan qodobadii la soo saaray: NRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here