Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Champions League, Kooxaha Finalka Imanaya Iyo Naadiga Koobka Qaadaysa.

0
29

Tartanka Champions League ayaa wareeggiisa 16ka ay kooxuhu ku kala bixi doonaan bisha February ee foodda inagu soo haysa badhtamaheeda, waxaana daaqadda ka bixi doona siddeed kooxood oo ay qaarkood yihiin kuwa hore ugu jiray saadaasha halka siddeed kalena ay iska xaadirin doonaan wareegga xiga ee siddeed-dhamaadka.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa awood ku jiidhi doonta kooxaha ay ku kulmaan wareegyada illaa ay iska xaadirinayso finalka, sida uu saadaaliyey Supercomputer, balse koox aanay taariikhdeedaba ku jirin inay koobkan ku guuleysato ayaa markan heli doonta fursad ay kaga soo muuqato finalka.

Sida ay saadaashan uu ku sheegay Supercomputer, kooxda Manchester City ayaa tegi doonta finalka oo ay wada ciyaari doonaan Bayern Munich, waxaanu Pep Guardiola fursad u heli doonaa inuu ku hoggaamiyo koobkii ugu horreeyey ee Champions League ah City oo aan hore ugu soo guuleysanin.

Manchester City oo wareegga 16ka la ciyaari doonta Borussia Monchengladbach ayaa fursad 47% ah u haysata inay gaadho finalka, sida ay xog ururin ku sheegtay FiveThirtyEight, waxaana kooxda ugu saadaasha wanaagsan dhamaan kooxaha ku jira tartankan.

Bayern Munich oo ku soo xigta ayaa 30% fursad u haysata inay finalka tagto, waxaanay labadoodu aad uga horreeyaan Liveprool oo kusoo xigta oo boqolkiiba 24 fursad u helaysa.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa iyaduna 16 boqolkiiba fursad u haysata inay gaadho finalka, halka Real Madrid ay ka baxsan tahay saaxadda kooxaha boqollolayda lagu muujiyey ee fursadaha fiican u haysta inay ku guuleystaan Champions League.

Marka laga yimaaddo finalka ee ay noqoto guusha koobka Champions League, Manchester City ayaa kaalinta koowaad ku jirta oo 31 boqolkiiba ay saadaasha Supercomputer tahay inay ku guuleysan doonto koobka, halka Bayern Munich oo saadaasha boqollayda kusoo xigtaa ay iyaduna 16% ku guuleysanayso.

Labadan kooxood ayaa ugu dambayntii uu Supercomputer saadaaliyey inay finalka iskugu man doonaan, koobkana ay qaadan doonto Manchester City.

Barcelona ayaa soo jiidhi doonta PSG wareegga 16ka, balse saadaasha Koobka ayay meel hoose kaga jirtaa, halka PSG ay kaliya 9% rajadeedu tahay inay soo gaadho finalka.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa saadaashan ka helay boqolkiiba shan, taas oo uga dhigan in aanay wax fursad ah u haysanin inay koobka ku guuleysan karaan, sida Supercomputer uu sheegay.

Waqtiga la ciyaarayo kulamada wareegga 16ka:

16 February

  • Barcelona vs Paris Saint-Germain
  • RB Leipzig vs Liverpool

17 February

  • Porto vs Juventus
  • Sevilla vs Borussia Dortmund

23 February

  • Atletico Madrid vs Chelsea
  • Lazio vs Bayern Munich

24 February

  • Atalanta vs Real Madrid
  • Borussia Monchengladbach vs Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here