Sergio Ramos Iyo Lucas Vazquez Oo Shandaddooda Ka Xidh-xidhanaya Real Madrid Iyo Sababta Oo La Shaaciyey

0
259

Bisha January ayaa dhamaad kusii dhow, waxaanay Real Madrid wali u maare la’dahay sidii ay ugu qancin lahayd in heshiisyo cusub ay saxeexaan kabtankeeda Sergio Ramos iyo Lucas Vazquez.

Labadan xiddig oo qandaraaskoodu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, ayay Los Blancos u dhaxaysaa kala-fogaansho sababi karaya inay si bilaash ah kaga tagaan kooxda ay muddada dheer usoo ciyaarayeen.

Real Madrid oo xili ciyaareedkan baaxaa-degaysa, isla markaana si dhib badan ugu gudubtay wareegga 16ka Champions League, horyaalkana fadhida kaalinta labaad, isla markaana lagu garaacay Copa del Rey iyo Spanish Super Cup oo laga reebay ayaa waxay ku jirtaa hubanti la’aan mustaqbal oo dhinaca tababaraheeda Zinedine Zidane ah, kaas oo uu saaran yahay culays weyn oo halis ugu jira in shaqada laga caydhiyo.

Sergio Ramos iyo Lucas Vazquez oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Zidane ku kalsoon yahay ayaa iyaguna la socda xaaladda kooxooda oo ka sokow dhibaatooyinka ciyaareed ka cabanaysa dhaqaale la’aan kaga timid Korona Fayraska.

Madaxweyne Florentino Perez oo ay ka go’an tahay inuu xajisto Ramos iyo Vazquez ayaa doonaya in labadan ciyaartoy ay saxeexaan heshiis aanay ku helaynin mushahar ka badan intoodii hore, waxaana caqabadda ugu weyn ay ka taagan tahay kabtanka oo loo bandhigayo 12 bilood oo qandaraas ah, sida uu dhigayo sharciga kooxdu.

Laakiin labadan ciyaartoy ayaa iyaguna diidday qorshaha kooxda, waxaanay doonayaan mushaharkooda in aanay wax saamayn ah ku yeelanin heshiiska cusub amaba loo kordhiyo lacagtii ay hore u qaadanayeen, sidoo kalena waqtiga qandaraasku aanu ka yaraanin laba sannadood.

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa si dhow ula socda xaaladda ciyaartoydan, waxaana ka mid ah Bayern Munich, PSG iyo Juventus oo uu damac kaga jiro Sergio Ramos, halka Manchester City ay iyaduna ku jirto liiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here