Deg Deg Finland oo ku soo biirtay wadama Xuduudaha ka xirtay Norwey.

0
138

Qurbaha.net Oslo:- Sida uu qoray Warsidaha NRK, Dowladda Finland ayaa ku soo biirtay wadamada dariska la ah Norwey ee xuduuda ka xiraneysa dalkaan, iyadoo go,aan manta soo baxeyna arintaasi lagu shaaciyay.

Qoraalka webseedka Tellefashinka wadankaani ee NRK ayaa lagu yiri ‘

“ Laga bilaabo Maanta oo arbaco ah Finland waxa ay xireysa Xadka ay la leedahay Norwey si looga hortago in uu halkaasi gaaro Coronveiruska is bed bedelaya”.

Dadka degan degmooyinka dariska la ah Finland ayaa looga digay in ay u safraan gudaha Norwey si loo yareeyo faafista cudurkaani waxaana Xuduudaha Norwey iyo Finland ay kala xirnaan doonaan ilaa 25-ka Bisha febraayo ee sanadkaan.

Dowladda Sweden oo daris la ah Norwey ayaa iyana habeenimadii Axadii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudaha ay la leeyihiin Norwey kadib markii dhawaan degmooyin ka mid ah Norwey lagu arkay nuuc cusub ee cudurka Karoona ah kaas oo markiisii ugu horeeyay lagu arkay gudaha wadanka England.

Xigasho NRK- https://www.nrk.no/tromsogfinnmark/finland-strenger-grensa-mot-norge-1.15347162

FOTO: THOMAS SØRENSEN / NRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here