Weeraryahanka Halista Ah Ee Uu Lasoo Saxeexanayo Iyo Qorsheyaasha Thomas Tuchel Ee Chelsea Oo La Shaaciyey

0
57

Thomas Tuchel ayaa xalay si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea, waxaanu isla fiidnimadiiba kooxda siiyey tababarkiisii ugu horreeyey oo qayb ka ahaa isku-diyaarinta kulanka adag ee caawa ay ku qaabbilayaan Wolves.

Tababarahan hore ee PSG guulaha badan lasoo gaadhay labadii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa saxeexay heshiis 18 bilood ah oo uu Stamford Bridge ku joogayo iyadoo uu qandaraaskana ku jiro qodob dhigaya in haddii ay dhinacyadu isku qancaan, in qandaraaskiisa lagu kordhiyo sannad kale.

Macallinka reer Germany oo shaqada ka beddelay Frank Lampard oo Isniintii la eryey ayaan wax waqti ah iska luminin, waxaanu isla markiiba garoonka tababarka kula kulmay ciyaartoyda oo uu layligii ugu horreeyey siiyey, waxaana durba la shaaciyey qorshaha ciyaareed ee uu Tuchel ka hirgelin doono Blues.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Thomas Tuchel waxa uu niyad-samaan badan u hayaa da’yarta kooxda oo uu siin doono boosas joogto ah, sida Mason Mount, Reece James iyo Tammy Abraham oo fure u noqon doono shaxdiisa, laakiin haddana waxa uu maanka ku hayaa inuu lasoo saxeexdo weeraryahan dilaa ah oo ay kooxo badan ku loollamayaan.

Chelsea ayaa hore u daba socotay laacibka khadka dhexe uga ciyaara West Ham United ee Declan Rice oo muhiimaddooda koowaad u ahaa intii uu shaqada joogay Frank Lampard laakiin isbeddelka dhacay ayaa wax badan ka beddelaya qorshihii suuqa ee kooxda.

Mail Sports waxa uu sheegay in Thomas Tuchel  uu bartilmaameed ka dhigan doono, isla markaana lasoo saxeexan doono weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo uu ka hawlgeli doono xagaaga soo aaddan, iyadoo uu rumaysan yahay in wax kaliya ee ka dhiman ay tahay inay helaan weeraryahan ka faa’iideeya fursadaha ay kooxdu hesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here