Tallaalka Moderna oo la sheegay inuu wax ka tarayo noocyada cusub ee coronavirus.

0
78

Tallaalka Moderna ee Covid ayaa u muuqda inuu wax ka tarayo noocyada cusub ee aadka u faafa ee coronavirus, kuwaaso oo laga helay dalalka UK iyo Koofur Afrika, sida ay sheegeen saynisyahannada shirkad dawooyinka soo saarta oo Mareykanka laga leeyahay.

Tijaabooyin sheybaar oo goor hore la sameeyay ayaa muujinaya in difaacayaasha jirka ay aqoonsan karaan lana dagaallami karaan noocyada cusub.
Daraasado badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in tallaalku uu sidoo kale noocyada cusub ka difaaci karo dadka aan weli la tallaalin.

Noocyada cusub ayaa si xowli ah ugu faafayay dalal dhowr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here