Lillesterøm, Nittedal, Drammen, Lørenskog iyo 11 degmo oo kale oo xayiraada lagu kordhiyay.

0
59

Wasaaradda Caafimaadka Norwey ayaa Talaabooyin cusub oo xayiraad ah dul dhigtay degmooyin cusub oo gaaraya 15 degmo kuwaasi oo kuyaala Bariga Norwey.

Iyadoo maalintii sabtiga aheyd ee lasoo dhaafay la xiray degmooyinka kala Nordre Follo, Enebakk, Frogn, Indre Østfold, Moss, Nesodden, Nordre Follo, Oslo, Vestby, Våler iyo Ås ayaa hadana xalay waxaa lagu kordhiyay degmooyin cusub oo jaar la ah Caasimada wadanka Norwey ee Oslo kuwaasi oo laga baqdin qabo in uu ku faafo cudurka is bed bedelaya ee Karoona Feyrus.

Wasiirka Caafimaadka Norwey Bent Høie  oo xalay abaaro 21:00 fiidnimo qabtay shir jaraa`id oo uu kaga hadlayay xayiraada cusub ayaa ku sheegey shirkiisa in weli aysan ogeyn heerka faafista cudurka ee degmooyin kale, balse uu hoosta ka xariiqay in xaaladu ay tahay mid weli  jah wareer leh lagana cabsi qabo halista uu ugu sii faafayo cudurkaani degmooyin kale oo cusub.

Bent Høie waxa uu intaasi sii raaciyay in dad badani ay is weydiinayaan qaabka lagu joojin karo nuucaani cusub ee Coronveirus-ka, isaga oo carabka ku dhuftay in heer sare uu gaarsiisanyahay dadaalkoodu taasina ay keentay in talaabooyin cusub oo xayiraad ah lagu soo rogo degmooyin dhowr ah.

Waxaa la xirayaa Goobaha caamka ah iyo meheradaha, kuwa dhaqanka, madadaalada ama kuwa lagu mashquulo xiliyada firqaada ee dadka ku soo uruuraan, waxaa sidoo kale la xiri doona xarumaha wax laga iibsado marka laga reebo kuwa cuntooyinka iyo farmashiga, waxaa sii raaca kuwa la xirayo kuwa jimicsiga, barkadaha lagu dabaasho, garoomada Ciyaaraha gudaha iyo dibada, meelaha lagu nasto, barkadaha Hoteelada, goobaha la fadhiisto ee dadku isugu yimaadaan, hoolalka xafdaladaha, Shaneemooyinka Tiyaatarada iyo meelaha la midka ah.

Xirashada af-xirka ( Maaskarada) ayaa waajib laga dhigay iyadoo shaqo bixiyayashana lagu amray inay guryahooda ku shaqeeyaan halka caruurta kayar 20-ka sano loo fasaxay in ay sii wataan Isboortiga iyo madadaalooyinkooda kale wallow oo aan la ogoleyn in la abaabulo waxqabadyada iyo ciyaaraha dadka waaweyn sida jimicsi abaabulan, tababarro iyo koobab loo abaabulay koox koox.

Talaabooyinka cusub ee wasaarada caafimaadka ay soo saartay ayaa ku talinaya in Jmaacadaha, Kulyadaha waxbasrahada iyo kuwa xirfadaha ay waxbarashadooda ku bixiyaan hab Dijitaal ah, halka xanaanada iyo dugsiyada hoose lagula taliyay in ay waxbarashada kusii wadaan heerka Jaalalaha ah oo ah heer aan qatarta badneyn.

Xayiraadaan oo lagu soo rogay 15 degmo oo  kuyaala Bariga Norwey ayaa socon doona ilaa 31-ka bishaan Janaayo waxaana degmooyinka  Cusub ay kala yihiin kuwaan hoos ku qoran.

Aurskog-Høland, Marker, Rakkestad, Skiptvet, Lunner, Nittedal, Lillestrøm, Lørenskog, Rælingen, Bærum, Asker, Drammen, Lier, Råde iyo Horten halkaasi oo ay ku nool yihiin  isku dar 597.000 oo qofood.

Xigasho :- VG , https://www.vg.no/nyheter/i/BlywO9/innfoerer-tiltak-i-15-nye-kommuner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here