Guri Melby “ Waxaan ka cabsi qabnaa in Iskuuladu ay ahaadaan heer casaan ah mudo dheer.”

0
79

Wasiirka waxbarashada Norwey haweeneyda lagu magacaabo Guri Melby ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in heerka iskuulada kuyaala Oslo iyo agagaarkeeda ay ahaadaan kuwa casaan ah mudo dheer iyadoo waalidiinta ugu baaqday in ay arintaani dul qaad u yeeshaan.

Sabtigii Xukuumada Norwey ayaa sheegtay in xaalad casaan ah (Qatarta laga qabo Karoonaha) ay geli doonaan 10 kommune (deegaan) oo ay ku jirto magaalada Oslo, iyadoo deegaanadaasina ay kuyaalaan goobo waxbarasho oo isugu jira dadka waaweyn iyo caruurta.

Iyadoo la hadleysay NTB wasiirka waxbasrahda iyo Cilmi barista Norwey Guri Melby ayay sheegtay  in ay haatan ka cabsi qabto cawaaaqibka heerka casaanku kuyeelan doono waxbarshada goobahaasi, iyadoo arintaasina ku tilmaamtay in ay noqon mid laga digtoonaado.

“Sababtu waxay tahay waxaan aad uga cabsi qabnaa cawaaqibka ka dhalan kara haddii fayraska is beddelay loo oggolaado inuu fido, waxaanna ku jirnaa xaalad aynaan si guud u haynin Markaas waa inaan qaadnaa talaabooyin adag oo dheeri ah, waxaan horey ugu soo aragnay Nordre Follo inuu ka dilaacay xanaanada caruurta, waana calaamad muujinaysa in loo baahan yahay in la adkeeyo” ayay tiri Melby.

Waxa ay intaasi sii raacisay in heerka casaanku micnihiisa uusan aheyn iskuulada oo la xiro balse ay tahay in la galo diyaar garow buuxa wallow loo isticmaalay haatan dugsiyada dhexe iyo sare ee wadankaani.

Walaaca wasaaaradda waxbarashada Norwey ayaa ku soo aadaya xili Norwey laga helay nuca cusub ee cudurka  is bed bedela ee  Karoona Feyrus taas oo sababtay in dhowr kamuune loo xiro.

Dhawaan gudiga waxbarashada wadankaan Norwey ayaa Guri Melby u soo jeediyay in la joojiyo dhamaan imtixaanaadka dugsiyada sare ee wadanka maadaama sida ay sheegeen aysan ardeydu wada helin fursad wada siman.

https://nab.no/melby-frykter-at-skolene-ma-vare-pa-rodt-niva-i-lang-tid/19.23002

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here