Arsenal oo 2.8 milyan oo euro bixin doonta mushaarka Odegaard ilaa bisha June.

0
212

Kooxaha kubadda cagta Arsenal iyo Real Madrid ayaa ku dhow in ay heshiis ka gaaraan laacabka u dhashay dalka Norwey ee Martin Odegaard kaas oo qaab amah ah ugu biiri doona maalmaha soo socda kooxda Arsenal.

Sida uu qoray wargeysa aadka ugu dhow Real Madrid ee Marca, waxaa isku soo dhawaanaya labada dhinac kadib sedax maalmood oo wadahadal ah, iyagoo meel isla saaray qaabka uu ahaan doono heshiiska Odegaard, waxaana uu wargeysku intaasi ku daray in kooxda Arsenal ay haatan bixin doonto qeyb ka mid ah mushaarka ciyaariyahankaani.

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zidane ayaa ku qancin  waayay ciyaariyahankaani in uu baaqi ku sii ahado kooxda iyadoo tababare Zidane  uu fursada kooxda ee shaxda joogatda ah uu boos uga waayay maadaama xili ciyaareed wanaagsan uu soo bandhigayo laacibka Luka Modric.

Mikel Arteta, tababaraha kooxda Arsenal oo arinta Odegaard shalay ka hadlay ayaa sheegay in haatan ay socdaan wadahalada kadibna ay war kazoo saari doonaan sida ay noqdaan wadahadaladaasi.

Real Sociedad oo ciyaariyahankaani soo heystay hal sano oo amaah xili ciyaareedkiihore ayaa qeyb ka aheyd tartanka loogu jiro xidigaani balse haatan waxa ay u muuqata in looga awood roonaaday.

Waxa uu noqonayaa ciyaariyahankii labaad ee amaah ah oo Arsenal kaga soo biira Kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here