Oslo oo xayiraadii ugu adkeyd la geliyay tan iyo bishii Mars ee sanadkii hore.

0
94

Laga bilaabo 12-ka duhurnimo ee maanta oo sabti ah ayaa lasoo rogay xayiraad dhanka bulshada iyo isku socodka dadaweynaha dhowr qeybood oo ka tirsan Magaalada Oslo ee xarunta wadanka Norwey.

kadib markii maalmihi lasoo dhaafay uu sii faafay cudurka Koroona Feyrus xukuumada Norwey ayaa ku dhawaaqday in ay Lockdown ( Xayiraad) gelisay qeybo ka mid ah gobolka Oslo ee Caasimada wadanka.

“ Waxaan hadda soo bandhignay talaabooyinkii ugu adkaa tan iyo bishii Mars ee sanadkii hore 10-ka Kommune, meelaha qaarkood waan kasii adkeyneyna bishaas, waxaan sameyneyna wixii aan awoodno si aan u istaajino cudurkaan iyadoo la adeegsanayo talaabooyin culus si aan u xakameyno” ayuu yiri Høie.

Kommunenayaasha ayaa kala ah Oslo, Enebakk, Ås, Vestby, Nesodden, Indre Østfold, Moss, Frogn iyo Våler, oo lagu daray  Nordre Follo Halkaasi oo ay ku noolyihiin qiyaas ahaan dad gaaraya  1 million oo qof oo u dhashay dalkaan Norwey.

“Waxaan si aad ah dadka deegaananadaas ugu boorinaya in ay san u safrin degmooyinka kale si ay uga u helaan adeegyada ka maqan degaanadooda” ayuu sii raacisay Høie.

Shaqo bixiyayaasha aya lagu amray in ay guryaha ku shaqeeyaan iyadoo shaqaalaha caadiga ahna ay shaqadooda wadanayaan, waxaana sidoo kale la xiray dhamaan dukaamada iyo goobaha santarada marka laga reebo kuwa cuntooyinka, Farmashiga iyo Goobaha shidaalka.

Xayiraadaan oo bilaabatay maanta oo 23-01-2021 ayaa socon doonta ilaa 31-01-2021-ka bishaan Janaayo, waxaana dhamaan albabada ay u xirnaan doonaan goobaha ganacsiga  marka laga reebo goobaha aan soo sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here