TRONDHEIM :- Mardhow waxaad awood u heleysa in aad dalbato qaadashada Talaalka Covid 19.

0
117

150,000 oo qof ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u heli doona talaalka Covid 19 sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Kamuunaha ( deegaanka) Trondheim, iyagoo sheegay in haatan qofku uu dalban karo qaadashada talaalkaasi marka uu fariin ka helo Kamuunaha.

Kadib shir jaraa`id oo ay qabteen 12.00-kii duhurnimo maanta oo arbaco ah madaxda kamuunaha Trondhiem ee gobolka Trøndelag, waxa ay ku sheegeen in goordhow la bilaabi doono qaadashada talaalka covid 19 ee buslahda caadiga ah si looga hartago cabsida ah in uu sii faafo caabuqa karoona.

Talaalkaani oo gaaraya 150.000 ( boqol iyo kontan kun oo cirbadood) ayaa la qorsheynayaa in bulshada lagu talaalo inta aan la gaarin xagaaga ( Sommerka), waxaana kamuunaha Trondheim uu sheegey in maalintiiba talaalka ay qaadan doonaan 20,000 kun oo dadka ku nool magaaladaasi ah,

“Waxaan helnay fariin aad u farxad badan shalay. Waxaan hadda qorsheyneynaa tallaal ballaaran goor hore. Waxaan isku dayi doonaa inaan 150,000 oo qof ka tallaalno Trondheim kahor St. Hans. ( Sommerka)  Waxaa jira 300,000 oo xirmo, ayay tiri agaasimaha caafimaadka iyo samafalka Helge Garåsen

Waxa ay  tilmaam ka bixiyeen sida dadku ay u qaadan karaan talaalka iyo waqtiyada ay dalban karaan, iyagoo sheegay in qofku uu heli doono fariin uga imaaneysa waaxda caafimaadka ee kamuunaha taas oo ku soo dhaceysa taleefankiisa gacanta, kadibna qofku waxa uu booqon doono webseedka Trondheim kommune halkaasi oo uu ka dalban karo waqtiga uu doonayo in uu qaato talaalka.

Madaxda ayaa intaasi ku daray in talaalku uu yahay lacag la,aan islamarkaana ay xooga saari doonaan ugu horeyn sidii talaalka ay u heli lahaayeen dadka tabarta yar ee u baahan, waxaana ay sii raaciyeen in qofka marka u helo fariinta talaalka uu diido karo ama qaadan karo balse ay muhiim tahay In jawaab laga helaa.

Xiliga talaal qaadashada ayay sheegeen in lama huraan ay tahay in qofku uu heysto cadeynta aqoonsigiisa, waxaana qofka marka uu booqanayo wabseedka Troondhiem Kommune u ku geli doona BankID ama mobil på bankID.

Magaalada Trondheim ee gobolka Trøndelag waxaa ku nool qoysas Soomaali  ah oo fara badan kuwaasi oo haatan ka mid noqon doona bulshada laga taaali doono Covid 19.

Xigasho.-  NKR- https://www.nrk.no/trondelag/tredje-vaksine-skyter-fart-pa-massevaksinering-i-februar-1.15336147

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here