Ganaax dhan 20,000 kr ayaad heleysa hadaad diido in aad iska soo baarto Covid 19.

0
78

Booliska Norwey ayaa kordhiyay lacagta ganaaxa dadka jabiya Shaarciyada Covid 19 kadib talo soo jeedin katimid Xeer ilaaliyaha guud, waxaana arintaani ay si qaas ah ugu socota kuwa jabiya sharciyada ay xukuumadu ka soo saarta Covid 19.

Sida lagu daabacay manta oo arbaco wargeysa VG ee kasoo baxa dalka Norwey ciidamada booliska wadanka Norwey oo ah ilaaliyaasha sharciga  iyo nidaamka dalkaan ayaa kodhinaya lacagaha ciqaabta ee la dul dhigayo dadka u hogaansami waaya ama hareer maraa sharciyada cudurka karoona Feyrus.

Ganaaxa jabinta mamnuucida kulamda gaarka ah ee ay ka qeyb galayaan in ka badan 10 qofood ayaa qaban qaabiyaha waxaa laga dhigay 20 kun oo lacagta wadankaan Norwey ah halka markii hore ay aheyd 10 kun, sidoo kale ka qeyb qaatayaasha ayaa ganaax ahaan u heli doona 10 kun oo koron iyadoo markii hore uu ahaa 5 kun. Ganaaxa ayaa Iyana lagu qiimeyn doona masaafada goobaha la isugu imaanayo oo waajib ay tahay in dadku ay isku jirsadaan masaafo gaareysa hal mitir.

Goobaha lagu cabo qamriga oo Iyana ah 50.000 oo lacagta wadankaan ah ayaa lagu kordhin karaa 5.000 ilaa 10.000 oo koron.

“Qofkasta waxa u masuul kayahay daryeelka iyo xakameynta infekshinka” ayay tiri Beata Brinch Sand oo madax ka ah waaxda wadajirka dacwad oogista.

Intaasi waxaa sii dheer waxaa 20,000 oo koroon la ganaaxi doona qofkii diida in uu iska soo baaro cudurka karoona marka uu yimaado gudaha wadanka norwey taas oo ah arin qasab ku ah qof weliba oo kasoo degaa garoomada wadanka.

Arintaani waxa ay imaanaysa iyadoo shalay Barlamanka wadanka Norwey uu ka codsaday Xukuumada in ay qafiifiso sharciyada la xariira baararka qamriga ee kuyaala gobolada iyo kamuunayaasha (deegaanada) uusan saameynta badan ku laheyn cudurka.

Xigasho/ VG:- https://direkte.vg.no/nyhetsdognet/news/politiet-dobler-coronaboeter.KdgZ1RQZf?utm_source=vgfront&utm_content=row-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here