Fanaanada Sacdiyo Simen oo sheegtay in ay isaga baxday fanka.

0
47

Sacdio Siman ayaa ku biirtay wadada fanaaniintii dhawaan ka baxayay fanka Soomaaliyeed,iyadoo shacabka ka codsatay in ay joojiyaan dhageysiga heesaheeda.

Iyadoo wareysi siineysay youtubka Qaali ladan oo ka mid aheyd fanaaniinta Soomaaliyeed dhawaana ka baxday fanka ayay sheegtay in ay gabi ahaanba joojisay fanka.

Sacdiyo Siman ayaa sheegtay in arintaani ay go,aansatay sedax bilood ka hor balse ay haatan jecleysatay in ay shaaciso sababo la xariira culeys gooni ah oo haatan iyada heysata.

Waxa ay sheegtay in arintaani ay tahay goàan iyada ka yimid sidaasi darteedna ay bulshada Soomaaliyeed ka codsaneyso in ay gabi ahaanba joohiyaan dhageysiga iyo daawashada heesihii ay qaaday mudadii ay fanka ku jirtay.

Fanaanadaan ayaa fankeeda ku soo bilowday magaalada Muqdisho waxaana mudooyinkii u dambeeyay ay ku sugneyd Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here