Wararka ugu xiisaha badan Sportiga iyo qurbnaha,net

0
41

Waxaan halkaan ku soo koobeyna wararkii ugu hadal heynta badna 24-kii saac ee lasoo dhaafay dhinaca sportiga kuwaasi oo isugu jira qodobo kala duwan.

Aan ku bilownee Kooxda Real madrid ayaa xalay ku dhibtootay kulan ay isugu horyimadeen kooxda yar ee Osasuna kuwaas oo kuciyaaray  gobolka Pamplona ee dalka Spain. Ciyaartaan oo aheyd mid xiiso badan islamarkaana ay cimaladeeda xumeyd ayaa ku soo dhamaatay 0-0 waxaana kooxda Real madrid ay aad uga cowdeen cimiladii xalay lagu ciyaaray.

Tababaraha kooxda Real madrid Zinedine Zidane oo xalay qaladaad badan oo dhanka badelka ah sameeyay ayaa ku andacooday in ay cimilada xu nee xalay ka jirtay Pamlona, waxaana uu sheegay in ay gabi ahaanba aheyd in la baajiyo kulankaasi.

Toni Kroos oo isna dhexda uga ciyaara Real Madrid waxa uu dhaliilay habciyaareedkii ciyaariyahanada kooxda Real madrid isaga oo sheegey in ay aheyd in ay fursado badan sameetaabn si ay goolal u dhaliyaan.

Dhanka kale kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa ku soo dhawaatay kaalmaha hore ee horiyaalka La ligaha waxaana ay 3 dhibcood oo qura haadan ay ka hoseeyaan kooxda Real madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Tababaraha kooxda kubada cagta Chalsea Frank Lampard ayaa ciyaariyahanadooda ka dalbday in ay bad baadiyaan shaqadiisa kadib markii kooxdu ay soo bandhigtay ciyaaro liidata taas oo mugdi gelisay mustaqbalka Tabaraha kooxdaas.

Xidiga lambarka 10-aad u sita kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa sheegay in uu haatan diyaar u yahay katagista kooxda Arsenal, isaga oo kusii jeeda kooxda ka dhisan wadanka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Fenerbahce ama DC United bishaan Janaayo ee sanadkaan 2021.

Gool uu dhaliyay McTominay ayaa uga filnaaday kooxda Man united in u u gudubto afar dhamaadka koobka FA cup-ka dalka England xili ciyaariyahano dhowr ah ay kooxda ka dhaawacnaayeen.

Tababaraha kooxda Manchester united Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ciyaariyahanada kala ah Paul Pogba, Luke Shaw & Victor Lindelo ay dhaawac yihiin, taasna ay sabab u noqotay in ay ka maqnaadaan kulankii xalay ee Watford.

Macalinka PSG Mauricio Pochettino ayaa talaabadiisa ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga u qaadaya kooxda Man united ee Paul Pogba kaaso oo uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here