Midowga Yurub oo qorsheynaya in ay warqado cadeymo ah u sameeyaan dadka laga talaalo Karoona Feyrus.

0
94

Hay,adda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka gacan siineysa wadamada midowga Yurub in la sameeyo warqado caafimaad ee cadeyneysa qofka lagu talaalo daawada coronveirus sida lagu sheegay biyaan ay soo saareen gudiga caafimaadka wadamada ku midoobay EU-da.

Arintaani ayaa sabab looga dhigaya sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo in qofka uu heysto cadeyn muujineysa in la talaalay si uu waxbadan uga baaqsado.

Wadamada midgowga yurub ayaa go.aankaani soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen in ay tahay talaabo caawineysa talaalka iyo dadweynaha.

Cadeyntaani oo marka hore lagu bilaabi doono qaabk warqado ah ayaa mudo kadib waxa ay noqon doontaan hab digital ah, iyadoo qaar ka mid ah wadamada Yurub ay sii bilaabeen arintaani waxaana ugu horeeya wadama Denmark iyo Norwey.

Xigasho-Dagbladet

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here