Wararka Maanta oo Talaado ah iyo hadal heynta ka cusub Norwey .

0
109

Oslo:- Wargeyska VG ee kasoo baxa dalka Norwey ayaa saakay qoray warbixin sheegaysa in Legemiddelverket iyo Folkehelseinstituttet ay baaritaano ku sameynayaan dhimashada labo qof o da`ah kuwaas oo qaatay talaalka Karoona inta aysan dhiman kahor.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaan doonaa in ay saameyn kuyeelatay daawadii ay qaateen iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin kale oo ay sababtay daawadaas taas oo horseed u noqon karta dhimashada labadaasi ruux.

Norwey ayaa laga bilaabay qaadashada talaalka Coronaveirus 27-kii  December ee sanakdii dhamaaday, waxaana dadka talaalka lagu bilaabay ugu horeeyay dadka daciifka ah ama waayeelka ah ee u nugul xanuunada si ay bad baado iyo kaalmaati ugu noqoto.

Xaquuqda sawirka VG

Gjerdrum:- Booliska Norwey oo mudooyinkaan ku howlana baaritaanka dad dhulku uu kula dumay magaalada Gjerdrum ee gobalka Viken ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay joojinayaan baaritaanada maadaama aysan jirin rajo kale oo laga qabo in dad meyd ah laga helo goobaha uu dhulka ku dumay.

Gjerdrum waa magaalo yar oo u dhow Garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Norwey oo duleedka ka xiga magaalada Oslo halkaasi oo isbuuc ka hor uu dhulku la go,ay guryo badan taasi oo sababtay dhimashada 10 qof sida ay boolisku sheegeen.

Xaquuqda sawirka VG

Olavasgaard:- Dhanka kale wargeyska ROMERIKES BLAD ayaa sheegay in hoteelka ay deganyihiin in ka badan 200 oo qof oo laga daad gureeyay dhul go`ii ka dhacay Gjerdrum oo si kumeelgaar ahaa u degana hotel kuyaala Xaafada Olavasgaard laga helay mid ka mid ah xanuunka karoona taas oo wel wel kale ku dhalineysa dadka halkaasi degana.

WT:- Mohamed Abdi Nahar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here