Dowladda Britain oo danjire cusub u magacowday Soomaalia.

0
92

Qurbaha.net:- Kadib markii uu dhamaaday mudo xileedkii danjire Ben Fender oo dowlada Britain u fadhiya Soomaaliya ilaa 2019-kii ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay Britain waxaa lagu magacaabay danjire cusub oo Soomaalia wakiil uga noqon doona.

Waxaa xilkaasi loo magacaabay haweenay lagu magaacabo Kate Foster oo qibrad badan u leh ka shaqeynta arimaha Afrika taaso oo in mudo ah ku soo gudaha jirtay howlo badan oo afrika dhexdeeda ah.

Haweeneydan ayaa kasoo shaqeysay arimo badan oo dhanka bulshada iyo Bini,aadanimada ah ayaa sanadkii 2017-kii waxa ay kasoo shaqeysay Waaxda Horumarinta Caalamiga iyo Istaraatiijiyadda Afrika, iyadoo dhowr wadan oo Afrika iyo Asia ah kasoo howlgashay.

Kate oo heyasata abaalmarinta sare UK ee OBE waxay mudo ka soo shaqeyneysay qeybo kala duwan oo ka mid ah xukumada uk gaar ahaan waaxda horumarinta caalamiga ah

Barnaamijka bad baadinta Caruuta ayay kaga soo shaqeysay dalka Koofurta Sudan, halka Sierra Leone iyo Liberia ay ka soo howlgashay intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2005-tii

Xilkaan danjirenimo ayay la wareegi doonta bisha februar ee sanadkaan xiligaasi oo wixii ka dambeeya ay ka howlgeli doonto gudaha wadanka Soomaaliya.

Xigasho https://www.gov.uk/government/news/change-of-her-majestys-ambassador-to-somalia-kate-foster

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here