Sharciyo cusub oo ka dhaqan geli doona Sweden iyo saameynta Soomaalida.

0
101

Qurbaha.net:- Sanadkaan curdunka ah ee 2021 ayaa waxaa dalka Sweden ka dhaqan geli doona sharciyo dhowr ah kuwaas oo la doonayo in ay u diyaar garoobaan Soomaalida ku nool wadankaasi.’

Warbixin lagu daabacay Radio Sweden qeybteeda afka Soomaaliga ayaa lagu sheegay in sharaciyadaan cusub ay yihiin kuwa sanadkaan dhaqan galay waxaana ka mid ah in dhalinyarada dambiyada ka gasha aysan mar kale dib ugu laaban doonin howlihii ay sameeyeen oo lugaha looga xiri doono qalab lagula soconayo dhaq dhaqaaqooda gaar ahaan maalmaha fasaxyada ah.

Dhalinyaradaan arintaani ay quseyso ayaa da, ahaan lagu sheegay inta u dhaxeysa 15 ilaa 17 sano, waxaana arintaani looga fogaanaya in dhalinyarada la geeyo goobaha lagu xanaaneeyo caruurta dambiyada waaweyn gasha, waxaana arintaani ay kaga baaqsanayaan xabsiyada ay isbuucii mae tagi jireen.

Dhinaca kale ciidamada booliska dalka Sweden ayaa loo fasaxay in ay baaritaanada jirka la xariira ay kusameeyaan dadka lagu wareysanayo xarumaha ciidanka iyo nabad sugida, iyadoo Shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya  xarumahaasina xogaha ku saabsan la qarin doono.

Waxaa mamnuuc laga dhigay in la isticmaalo gadiidka aan la bixin ganaaxooda, tusaale ahaa gaadiidka la ganaaxo 5000 oo Karoon si weliba halagu ganaaxee ee aan lagu bixin mudo lixbilood ah, waxaana gaadiidka ruqsadiisa ka qaadi kara Booliska ama baaraha baabuurka.

Dadka ajanabiga ah ee kasoo degaya diyaaraha  Sweden ayaa la sheegay in faro iyo sawiro laga qaadi doono marka ay garoomada wadankaasi ka degaan si loo baaro aqoonsigooda iyo in ay leeyihiin faraha isku socodka wadamada Yurub, iyadoo xeerkaasi uu ka dhaqan galay wadanka Sweden 28-kii December ee 2020.

Qiimo dhimis canshuureed oo dhan 1675 Kr ayaa waxaa heli doona dadka ka diiwaan gashan deegaanada aysan dadka faraha badan ku nooleyn ee dalka Sweden waxaana sharcigaasi uu dhaqan galay bishi December.

Xigasho sverigesradio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here