Qeyb ka mid ah Soomaalida Norwey oo qaadatay Talaalka Coronaveirus.

0
49

Qurbaha.net Oslo:- Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool wadanka Norwey ayaa ka mid noqotay dadka lasiiyay daawada ka hortaga cudurka Coronaveirus kaas oo mudooyinkaan dadku ay aad ula xanuunsanaayeen.

Iyadoo 27 December ee sanadkii dhamaaday dhamaan wadamada Yurub ay bilaabeen howlgalka talaalka cudurka Coronaveirus ayaa hadan waxaa nasiib u yeeshay in ay ka mid noqdaan dadka ugu horeeya ee qaata talaalkaas qaar ka mid ah Soomaalida ku nool wadanka Norwey.

Norwey dadka ugu horeeyay ee la talaalayo waxaa la qoondeeyay in ay noqdaan dadka xaaladooda ay darantahay iyo kuwa ka shaqeeya xarumaha caafimaadka dalka si ay u fududaato In ay si fudud ugu shaqeeyaan bulshada uu cudurku soo ridanayo waxaana ka mid ah dadkaasi oo wadanka Norwey aad ugu shaqeeya dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasi oo haatan ka mid noqday dadka qaatay talaalka.

Dhalinayaradaas qaarkood oo isugu jira dumar iyo rag oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in aysan wax dhibaato ah laheyn talaalku waxaana ay beeniyeen waerar suuqeed Soomaalida ay maalamahaan ay hadal heysay oo ahaa in uu saaameyn badan oo dhinaca caafimaadka leeyahay talaalkaasi.

Xafiiska warqabadka Qurbaha.net ee Oslo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here