Qaar ka mid ah Soomaalida Norwey oo sheegay in lagu faquuqay Coronaveirus.

0
135

Qurbaha.net Stavanger:- Soomaalida ku nool Magaalada Stavanger ee dalka Norwey ayaa sheegay in lagu jinsi faquuqay cudurka Coronaveirus kadib markii dhawaantaan maamulka Kamuunaha Degmo) ay ku noolyihiin ay ku amreen in ay iska soo baaraan cudurka inta aysan shaqada imaan.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaaladaas oo aan qadka teleeanka kula xariiray ayaa ii sheegay in aysan maalmahaan aadin goobaha shaqada kadib markii lagu amray in ay iska soo baaraan xanuunkaas oo ay la yimaadaan natiijo cadeyneysa in aysan qabin cudurka.

Arintaani ayaa ka dhalatay kadib markii maamulka deegaanka uu sheegay in sii badanayaan dadka degan Stavanger ee qaba cudurka karoona iyadoo warbixin lasoo saarayna ay ku sheegeen in cudurka laga helay in kabadan 200 oo qof kuwaas oo dadka ugu badan ay yihiin Soomaalida ku nool magaaladaasi.

Agaasimaha Caafimaadka iyo Daryeelka magaalada Stavanger Eli Karin Fosse ayaa maalmo ka hor sheegtay in ay qasab tahay in ay isa soo baaraan dadka Soomaalida ah ee ka shaqeeya magaalada inta aysan soo xaadirin goobaha shaqada.

Dhanka kale Abdirahman Omar Moallim oo isna ka mid ah dadka Soomaalida ee degan halkaasi ayaa sheegay in arintani ay muujineyso dhan u riixid lagu sameynayo dadka Soomaalida oo kaliya waxaana uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado.

Dhalinyaro kale oo qaarkood ka wada magaalada gaadiidka dadweynaha oo arintaani ay saameyn kuyeelatay ayaa qurbaha.net u sheegay in talaadaba Kamuunaha ay tahay mid farta loogu fiiqayo Soomaalida oo kaliya maadaama cudurkaan uu dalka oo dhan ka jiro.¨

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here